X

Dil foolxun oo ka dhacay xeebta Liido iyo haweenay lagu diley

Dil foolxun ayaa ka dhacay xeebta Liido iyo haweenay lagu diley. Sida goob joogeuyaal sheegeen dilkan ayaa waxa gaystey askari kiu labisan dharka ciidamada. Waxana la sheegay in gabadhu la socotey gabdho kale.

Sida wararku sheegayaan gabdhihii la socdey gabadha hortooda lagu diley ayaan cidiba waraysan isla goobtiina ka raaceen basaskooda. Askariga diley ayaa la shegay inuu goobta ka baxsadey.



Gabadha dilka loo gaystey ayaa ka soo baxdey huteelada ku yaala xeebta ayadoo la socota gabdho kale marka askarigan la sheegay inuu la Hadley balse ay ka sii socdeen.

Askariga ayaa kadibna rasaas ku furey ka haleeshay madaxa. Askar booliisa oo goobta ka ag dhawayd ayaa qaadey meydka gabadha, waxayna bilaabeen raadinta askariga dilka gaystey.



Askar iyagu ilaalo ka ah hutelada ayaan iyagu halkooda ka soo dhaqaaqin. Ilaa hadda ma jiraan war ka soo baxay waxa dilkan foosha xun sababay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.