X

Dil foolxun oo siyaasadeed oo ka dhacay Muqdisho

Meel aan ka fogeyn Garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay mid kamid ah Ergadii Magaalada Jowhar ku soo dooratay Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre.

Alle ha u naxariistee marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Cabdi Cali.waxaana lagu xusuustaa inuu ahaa shaqsi wax weyn u taray Bulshada.

Sidad ay inoo sheegeen dad goob joogayaal dilka Marxuum C/qaadir Cabdi Cali geystay askari ka tirsan Dowladda, kaasi oo markii danbe la xiray.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.