X

Dil ka dhacay Boosaaso iyo cida sheegatay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi lagu diley madaxii shirkada P&O oo hoostegta shirkada carabta Imaaraadka ee DP World. Ninka la diley ayaa ah Talyaani muddo joogey halkaasi madaxna ahaa.


Xilliga la diley ayaa la sheegay in uu dadka u sheegaayay inay ka guuraan meel u dhow dekedda, waxana jira cabashooyin hore u jirey. “Waxa la diley xilli uu dadka ku lahaa ka guura ayuu yiri goobjooge.

Waxa toogtey wiilyar oo isagana isla markiiba ay toogteen ciidanka amniga Boosaaso oo halkaas soo gaaray. Argagixisada shabaab ayaa dilka markiiba sheegatay ayadoo adeegsatay wiilyar oo baalashle ah oo aan diin waxba ka aqoon.

Puntland ayaa sheegtay jn dadka dhaawacmey ay ku jiraan nin Hindi ah iyo laba  askari.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.