X

Dil ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Rag aan la garanayn ayaa dil ka gaystey caawa bartamaha magaalada Dhuusamareeb kadibna goobta ka baxsaday. Dad wax ka arkaayay dilka ayaa sheegay inay arkeen rag goobta ka baxsanaya.

Maamulka ayaan welli wax wara ka soo saarin dilka caawa ka dhacay ayadoo baaritaanka la bilaabi doono berri oo Sabtiya.

Dadka weerarka ku dhintay qaarkood ayaa la sheegay inay sadex ahaayeen waxaana la sheegay magacyada laba ka mida oo lagu kala sheegay Cumar Nuur Colow iyo Liibaan Cumar, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen ganacsato laga yaqaano Magaalada Dhuusamareeb.

Afhayeen u hadlay Galmudug ayaa sheegay in lagu raad joogo dadka dilka gaystey ilaa haddana ayna haynin ehelada ay ka dhinteen labada marxuun.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.