X

Dil keenay xaas hore oo la shukaansaday

Waxa dalkaasi Iswiisarlaan ka dhacay dil uu gaystey wiil Somali ah uuna u gaystey isla wiilkale oo Somali ah sida ay qoreen wargeysyada ka soo baxay dalkaasi. Somalida aya dilalka la tagay dhamaan wadamada ay uku noolyihiin.


Laakiin dilkan wuxuu uga duwan yahay dilalka kale ee ay sameeyaan oo inta badan la xiriira is eryad iyo kooxo kooxaysi, dilkan wuxuu ku qotamaa xaas hore oo la shukaansaday.

Gacan ku dhiiglaha oo lagu magacaabo Maxamed Axmed ayaa la sheegay inuu ka carooday ninka uu diley oo lagu tumey inuu shukaansaday xaaskiisii hore oo caruur u haysay.


”Gabadha hadaanu rabin in la shukaansado muxuu uga tagey iyada iyo caruurta ayuu yiri Xuseen Warsame. Booliiska ayaa sheegay in ninkani dilka wiilka kadib oo isla xaaskiisa dhaawac gaarsiiyay.

Gacan ku dhiiglaha ayaa booliisku sheegay inuu dhawaan soo galay dalka oo marka uu dhamaysto xukunka gaalada la soo masaafurin doono.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.