X

Dilaaga weyn ee argagixisada shabaab Xasan Xanafi oo maxkamadu markale ka naxsatey: DAAWO

Waxa maanta markale soo horfadiirstey maxkamad cadaalad ah dilaaga weyn ee argagixisada shabaab oo si naxariis daro ah u diley wariyeyaal badan oo Somaliyeed ayaa maxkamadu markale ka naxsatey.

Xassan Xanafi Xaaj C/salaan oo ahaa dhagar qabe dilaaga saxafiga ahaa oo maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda federaalku ay dil toogasho ah ku xukuntay 3-Maarso-2016 ka dib markii maxkamadda la horgeeyay ayaa mar kale dil toogasho ah lagu xukumay.

Sababta mar kale dil toogasho ah loogu xukumay ayaa ah in qareenkii u doodayey uu racfaan ka qaatay xukunkaas, balse maxkamaddu mar kale ayay dil ku xukuntay wuxuuna u muuqdaa mid aan meelna ku badbaadi doonin oo noloshiisu soo dhammaatay.

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.