X

Dilka taliye argagixisada geed ku xirey oo war laga soo saaray

Waxa shalay bae xanibaad lagu diley taliye aad u da’yaraa kana tirsanaa ciidanka kamaandoosta oo argagixisada feed Ku xirey. Rasaas ay soo fureen ciidan joogey barta xanibaad ayaa dishey taliye Maxaadey Saleebaan sidoo kalana dhaawacmey ilaaladiisa.


Dilka taliyaha ciidanka kamaandoosta Somaliya oo lagu soo tababaray Turkiga ayaa aad looga xumaadey. Wuxuu qayb weyn Ku lahaa xoreyntii Aw-dheegle, isagoo muujiyay geesinimo dheeraada.

War ay soo saartey taliye xigeenka booliiska Sakiye Axmed ayay Ku sheegtay dilkaas mid aad looga xumaado, waxayna raaciyay in hadda gacanta lagu dhigey askartii dilkaas Ka dambeysay.


Sharciga kitaabka ayaan hor keeni doonaa askartaas oo hadda Ku sheegtay in dhamaantood gacanta lagu dhigey, waxase la is weydiinayaa in la fulin doono iyo in kale.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.