X

Diyaarad dhaawacyo culus sida oo Muqdisho ka soo degtay

Diyaarad dhaawacyo culus sida ayaa Muqdisho ka soo degtay. Diyaaradan ayaa ka dhaawacyada ka soo qaadey gobolkla Sool halkaas oo laba jufo isku cuneen iskana dileen ilaa 60 qof.


Labadan jufo ee Dhulbahante ayaan la garanayn waxay isku cunayaan aan ka ahayn kala aargoosi. Ma jirto wax u dhexeeya labadaan jufo.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaaradan u dirtay gobolka Sool, waxayna Muqdisho keentay 22 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba, oo qaarkood uu dhaawacooda culus yahay.


Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare Khayre ay amreen in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka dhibaatada ay ka soo gaartay colaada Sool.

Dagaalada ayaa sii kordhey markey bilaabeen inay xoolo kala dhacaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.