Diyaarad kale oo Caraba ayaa suuq ka heshay garoonka Hargeysa duulimaadyana ka bilaabaysa.
Diyaarada Air Arabia oo laga leeyahay dalka Imaaraadka gaar ahaan Shaariqa ayaa waxaa la sheegay in ay dhawaan duulimaadyo ka bilaabi doonto garonka diyaaradaha ee Hargeysa sida ay maanta qoreen warbaahinta dalka Imaraadku,
Sidoo kale diyaaradan ayaa la sheegay in duulimaadka ugu Horeeya ee ay garoonka Hargeysa ku tagi doonto uu bilaabi doono 4-ta July ee sanadkan
Diyaaradan ayaa waxaa ay hore kaalinta koobaad ugu guulaystay diyaaradaha ganacsiga ee qaarada Aasiya
Lama oga xiriirka ka dhexeeya diyaaradan iyo taageerada uu maamulka siiyay Imaaraadka iyo Sucuudiga.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS