X

Diyaarad Maraykana oo la garanwayay waxay ugu degtay meel ku beegan xadka Somaliya

Diyaarad laga leeyahay Maraykanka ayaa Ku degtay meel u dhow xad beeneedka,Somalia la wadaagto Kiiniya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaraddaan ay tahay nooca qaada Hub, islamarkaana ay waday hub, mana Cadda cidda hubkaasi loo waday  maadaama Saraakiisha Ammaanka Kiiya aysan faahfaahin ka bixin.



Qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka ayaa sheegtay Diyaaraddaan ay leedahay Sharikadda Black Water, islamarkaana ay la socdeen Ciidamo Mareykan ah.

Sharikadda Black Water waa sharikad dhinaca Amaanka kala shaqeysa dowladaha iyo Ururrada sidda Tababarrada,Qalabeynta Ciidamada iyo howglallada qarsoodiga ah.



Diyaaraddan ayaa ku degtay meel duur ah waxaana sawir laga qaaday uu muujinaayay gaari nooca hubka qaada ah gees taagan iyo Askar.
Astaanta iyo Lambarka diyaaradda ayaa muujinaayay in laga leeyahay Mareykanka, islamarkaana ay adeegsato Shirkadda Black Water.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.