X

Diyaarad Ruushku leeyahay oo sida 29 qof oo raadarka ka baxday

RUUSH

Ruushka ayaa bilaabay raadinta diyaarad nooca loo yaqaan Antanoof oo ay saarnaayeen 29 qof. Diyaaradan ayaa ka baxday khadka raadaarka hawada ee dalkaasi gaar ahaa bariga fog ee dalkan aduunka ugu weyn.


Waxa raadinta diyaaradan loo direy diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo mid kale oo caadiya ilaa haddana laguma guulaysan in la helo. Waxana la rumaysan yahay inay dul socotey deegaanka Kamjatka ee bariga fog ee dalkaasi.


Qaybta hawada ee dalkaasi Ruushka ayaa eegaya in diyaaradan ay jabisay sharciga duulista iyo inay haleeshay cilad farsamo.

Warkii ugu dambeeyay diyaarada

Kooxaha duulista ayaa mardhow cadeeyay inay heleen raqda diyaarada oo ku dhacday qarka buur. Waxay sheegeen inay diyaaradu ku dhifatey buur maadaama dhulkan ay diyaaradu ku dhacday ay yihiin dhul baaxad weyn oo ka weyn wadamada Faransiiska iyo Yukarayn haddana ay degan yihiin keliya 300 oo kun oo qof.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.