X

Diyaarada Qadar oo ku soo biirtey hawada Soomaaliya: SAWIRO

Diyaarada Airways ayaa ku soo biirtey hawada Soomaaliya oo ku dhow inay ciriiri gasho sabadaha soo socda ayadoo dalka amnigiisu soo hagaagayo argagixisadana lagu xirey oodweyn. Hawsha ugu badan ee geed ku xirida argagixisada ayaa waxa fiyay ciidamada Somaliyeed ha xumaato awoodooduye.


Munaasabad lagu daahfurayay duulimaadka tooska ah ee Shirkadda Qatar Airways ka bilawdey Muqdisho ayaa lagu qabtay Garoonka Muqdisho waxana goobjoog ka agaa wasiirka maaliyada Dr C/raxmaan Bayle iyo masuuliyiinta diyaarada Qadar oo uu ku jiro safiirkoda u fadhiya Somaliya.


Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ayaa ah shirkadii afaraad ee duulimaad Heer Caalmai ah ka bilowda caasimada Muqdisho,waxaana horay uga bilaabay Shirkadaha kala ah Itoobiya Airlines, Turkish Airlines iyo Air Djbouti.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.