X

Diyaaradii Lufthansa ee afartan sano kahor laga dejiyay Muqdisho oo Jarmalka lagu celiyay: SAWIRO

Diyaaradii Lufthansa ee afartan sano kahor laga dejiyay Muqdisho aya ugu dambeyn lagu celiyay Jarmalka. Diyaaradan ayaa sanadii 1977 13 Octoober dagaalyanano reer Falastiina ay u soo afduubeen Muqdisho.

Ujeedada ay u afduubeen ayay ahayd in Jarmalku sii daayo rag ka tirsan ururka ciidanka cas  oo Jarmalku ku xirey dalkooda iyo rag kale oo Turkigu xirey. Dhacdadan ayaa Jarmalka laga xusaa.

Kamaandoosta Jarmalkii Galbeed ayaa loo soo direy Muqdisho kuwaas oo raacay khidad ay dejiyeen sirdoonkii dawladi Somaliya.



Waxa lagu guulaystey in dhamaan la soo furto dadkii saarnaa diyaarada isla markaana la dilo ragii afduubka wadey.  Afduubayaasha ayaa aha laba gabdhood iyo hal.

Afduubaha ninka ah ayaa lagu magacaabi jirey  Suhayl Yuusuf wuxuuna bistoolad ula tagey laba baylood wuxuna amrey bayloodka labaad in uu ku biro rakaabka.



Kadibna wuxuu amrey bayloodkii soo haray in uu diyaarada u duuliya Qubrus wuxuuse bayloodku u sheegay in ayna diyaarada ku jirin shidaal ku filan.

Diyaarada ayaa bedeshay khadkii ay ku socotey ee markii hore ah Spain-Frankfurt, waxayna ka degtay Rooma si ay shidaal uga sii qaadato.

Kadibna waxay martey dhowr dal si ay shidaal u sii qaadato ilaa ugu dambeyn ay ka degto Muqdisho halkaas oo ciidankii Somaliyeed kaaliin weryn ka qaateen khidada lagu badbaadiyay.



Diyaartadan ayaa muddo taalay dalkaasi Brazil waxaana uGu dambeyn dib loogu qaadey Jarmalka halkaas oo dayactir lagu samayn doono.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.