X

Diyaaradihii qaadka ee ka iman jirey Kiiniya oo beri la fasaxay maxayse Somaliya heshay fasaxa kadib

Madaxweynaha Kiiniya iyo Somaliya ayaa isla afgartey in la sii daayo diyaaradihii qaadka ee ka iman jirey Kiiniya marka laga bilaabo maalinta beri maxayse Somaliya heshay arintaa kadib.

Wararka ayaa sheegaya in Somaliya kula heshiisay Kiiniya in diyaaradaha ka imanaya Somaliya aan lagu baadhin Wajeer ee si toosa u tagaan Nayroobi halkaasna lagu baadho.

Joojinta qaadka ayay dhibaato u gaysatey ganacsatada waaweyn ee Kiiniya waxay sidoo kale dhaawacdey ganacsatada Somalida ee ku noolaa ka gacacsiga qaadka.

Waxa iyana dhibaato dhaqaale soo gaartey kuwa ku sii nool cunista qaadka sida haweenka shaaha iibiya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.