X

Diyaarado aan la garanayn oo duqeeyay deegaan ka tirsan Togdheer

Diyaarado aan la garanayn ayaa duqeeyay deegaan ka tirsan Togdheer oo la yiraa Bali reer Cilmi halkaas oo lagu sheegay in argagixiso ku dhuumanayso.

Gobolka Togdheer ayaa marhorana la duqeeyay iyuadoo argagixisada ka soo baxsataa Koofurta Somaliya ay hoy ka dhigato laguna soo dhaweeyo.

Taliyaha Booliska oodweyne Maxamed Cali Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku sugan yihiin Deegaanka ay Diyaaradaha duqeeyeen ilaa hadda baaritataano ay wadaan, oo aanay hayn war rasmi ah oo ku saabsan Dayaaradahaan iyo halka ay ka yimadeen.

ilaa iminka lama oga qasaaraha ka dhashay duqeynta diyaaradaha aan la ogeyn halkja laga leeyahay ay geysteen walow saraakiisha Somaliland ay sheegeen in ay dib ka soo sheegi doonaan

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.