Diyaarado walxo aan la garanayn ku ridey duleedka Gabiley iyo Muuse Biixi oon ka hadlin. Dadka deegaanka ayay cabsi la soo deristay waxayna ka carareen goobihii ay ku noolaateen ayagoo ka baqaya in biyaha iyo ciida laga sumeeyay.
Ilaa hadda Muuse Biixi kama hadlin waxase caadi ah diyaaradahan oo ka faaiidesanaya burburka dalka inay hawada Somaliya markey doonaan soo galaan.
Somaliland ayaa ku faanta inay iyadu leedahay hawada Burco iyo Hargeysa laakiin aan awood u lahayn inay diyaaradah noocana xataa ogaato waxay soo tuureen iyo halkey ka yimaadeen.
Waxa dad badan iswaydiin karaan waxay deegaanka u doorteen. Dhacdadan ayaa shalay dhacdey laakiin maanta uun dadku la hadleen saxaafada. Wixii ay soo tuureen ayaa gacmaha loola tagey.
[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=mdWsW4o2M38[/embedyt]
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS