X

Doon ay saarnaayeen 160 qof oo Somali u badan oo degtay

Doon ay saarnaayeen 160 qof oo Somali u badan ayaa ku degtay xeebta dalka burburey ee Yaman. Somali iyo Itobiyaan aan welli quusan ayaa u socda kufsi iyo jirdil oo ay gaystaan ilaalada iyo qabiilada ku teedsan xeebaha dalkan burburiyay oo hadda iyagiiba gaajo u dhimanaya.


Waxa jira boqolaal Somali ah oo lagu haysto guryaha Yaman loona isticmaalo sidii la rabo. Dalkan burburey ee hadda sidaa loo isticmaalo Somalida ayaa welli waxa ku qulqulaya dad haween iyo caruur ku jiraan.


Masuuliyiinta xeebaha Yaman ayaa sheegay in doontani ku rogmatey gobolka Shabwa ayna saarnaayeen boqol Somali ah iyo 60 Itoobiyaana oo ay ku jiraan caruur iyo haween.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.