War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dooni dad laga soo buuxiyay kana soo baxdey dalka burburey ee Liibiya ay ku ku degtay meel aan ka fogeyn xeebaha Liibiya. Warka oo hadda soo dhacay ayaa sheegaya in doontani ay saarnayeen ku dhawaad 700 oo qof hadana lagu socdo si loo badbaadiyo.. dhinaca kale warar ayaa sheegaya in doontani laga badbaadiyay ku dhawaad boqol qof.
Dalka burburey ee Liibiya ayaa waxa ku qulqulaya kumanaan nolol fiican doona oo intaba khatar geliya naftooda..dadkaasi ayaa inta badan bixiya lacago baada iyagoo ay u dheertahay jirdil iyo kufsi lagu kaco maadaama ayna jirin wax dawlada sidii ay u burburiyeen xukunkii Qadaafi iyagoo shacabku la safety reer Galbeedka.
Wararkii ugu dambeeyay ee doontan ayaa sheegaya in laba markab ay ku baxayaan. Maraakiibtan ayaa ka mida kuwa u jooga xeebaha Liibiya iyo Talyaaniga si ay u badbaadiyaan dadkan nolol doonka ah.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM