X

Doonimeyno Shabaab dooni meyno dhiigcabe waa halku dhigyada banaanbax ka socda Muqdisho: SAWIRO

Doonimeyno Shabaab dooni meyno dhiigcabe waa halku dhigyada ka socda Muqdisho maanta. Banaanbaxyo ay dhigayaan Boqolaal Shacab ah oo ka Careysan Xasuuqii loo geystay Dadkii Shacabka ahaa ee lagu laayay Isgoyska Zoobe.



Banaanbaxa Maanta ayaa imaanaya iyadoo Shalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed uu ku dhawaaqay in Shacabka Muqdisho ay isugu soo baxaan Wadooyinka Muqdisho ayna ka dhiidhiyaan Falkii lagu laayay dadkeena.

Xasuuqii ugu xumaa abid ayaa argagixisadu kula kacdey dadka Somaliyed ayadoo ujeedadu tahay in wixii aan haysan mabda’ooda Wahaabiyada aanu diin haynsan.

Afhayeen u hadley dawlada ayaa amaanay banaanbaxyada wuxuuse ka xumaadey dhalinyarta qaar oo dhagxaan ku tuurey meelaha qaar, wuxuuna sheegay in nidaamka banaanbayada la adkeeyo dhibna aan la gaysan.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.