X

Doorasha musuqa oo ka dhacday Cadaado oo la diidey

Qoraal ka soo baxay gudoomiyaha doorashada dadban ee qaranka ayaa lagu diidey kursi haweena oo loo diidey lana soo sharaxay nin taas oo ka soo horjeeda sharciga la dhigtey.

Kursigan oo la sheegay in ay lahaayeen beesha Saleebaan ayaa waxaa ku tartamay labo rag ah iyo dumar iyadoo  uu ku guuleystey musharax Maxamed Axmed Abtidoon iyadoo ay la tartameen musharixiinta kale ee Aadan Cismaan Cali iyo Ubax Axmed Warsame. Hase yeeshee kursigan ayaa la filayay in ay ku tartanto Caasho Axmed Cabdalle iyo haween kale.

Guddiga doorashada heer federal ayaa sidan oo kale sabtigii aynu ka soo gudubnay ka soo saaray diidmo la mid ah tan ay ka soo saareen doorashada ka dhacday Cadaado labo kursi oo lagu tartamay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle. Kursigaas ayaa waxaa kuguuleystey Maxamed Abuukar Islow iyo Cabdulaahi Maxamed Nuur wasiiru dowlaha Maaliyada.

Halkan ka aqriso qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada dadban;

admin:

This website uses cookies.