X

Doorashadii Ingiriiska oo xisbiga talada hayay helay aqlabiyad buuxda iyo dalka Ingiriiska oo qaybsamay: FAALO

London–Doorashadii dalka Ingiriiska guud ahaan ayaa xisbiga uu hogaamiyo David Cameron helay aqlabiyad buuxda isagoo hadda maraya 322 kursi halka halka xisbga shaqaalaha uu isaguna taagan yahay 228 kursi taas oo ka dhigan in xisbiga shaqaalaha si xun looga guulaystay keentayna in dalku kala qaybsamo.

Xisbiga shaqaalaha oo aan lagu aqoon xagjirnimo siyaasadeed oo Somaliduna taageerto ayaa guuldaradiisa lagu sheegayaa in ay timi isagoo ku dhexjiray laba xisbi oo lagu yaqaano xagjirnimo siyaasadeed oo ah kan hadda ku guulaystay doorashada iyo xisbiga gobolka Scotland oo iyaguna raba in ay ngiriiska ka go’aan.

Natiijadan ayaa xisbiga Tory loo yaqaan ama wadaniga uu codka dhamaantiis ka helay Ingiriiska kaliya halka gobolada kale ee boqortooyada Ingiriiska uu ka helay hal kursi oo QUDHA taas oo dad badan iswaydinayaan in uu xukumi kar dalkoo dhan maadaama kuraastiisu INGIRIISKA kaliya ku kooban tahay.

Guushan xisbiga xagjirka ayaa ka dhigeysa in uu si badheedha ula soo baxo sharciyo xagjira oo lidi ku ah reer Yurub iyo kuwo lidi ku ah reer qoysaska fiqiirka maadaama taageerayaasha xisbiga ay yihiin kuwo taajiriin u badan.

Waxase dad badan is waydiinayaan in uu sharciyan xukumi karo Ingiriiska oo dhan iyadoo kuwa doortey ay rabaan In uu sameeyo barlamaan u khaasa INGIRIISKA oo ah majoorati waxa loogu yeero boqortooyada INGIRIISKA.

Dhinaca kale xisbiga shaqaalaha oo isagu uu hogaaminayay Ed Miliband oo ka soo jeeda qoys Yuhuudi ah ayay Ingiriisku diideen waxase yaabkale ah iyadoo xataa ay diideen saxaafadii Yuhuuda oo aad looga dhegeysto guryaha Ingiriiska.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.