Doorashadii Puntland ayaa lagu kala baxay. Madaxii hore ee maamulka Cabdieelli gaas ayaa lagu reebay wareegii hore ee doorashada. Wareega sadexaad ayaa waxa isugu haray Saciid C/llaahi Deni iyo Jeneraal Asad Cusmaan C/llaahi.
Waxa afar cod ku guulaystey loona dooryey madaxa Puntlabd Siciid C/llaahi Deni oo helay 35 cod halka Asad Cusmaan C/llaahi uu helay 31 cod.
Siciid C/llaahi Deni ayaa loo dhaariyay madaxtinimada maamulka Puntland. Maamulkii hore ayaa ku jirey wada shaqayn la’aan uu la lahaa dawlada dhexe, waxase la sugaa halka Siciid dhigo Puntland.
Siciid Dani waa nin Ganacsade ah sidoo kale dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud kasoo noqday Wasiirka Qorsheynta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
ax