09/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dowladda oo ka jawaabtay xannibaadii wafdiga Raysal wasaaraha ee Nayrobi

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadashay tallaabadiii xannibaada ee Sabtidii lagula kacay wafdi uu hoggaaminaayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo iyagoo ku sii jeeday dalka Turkiga muddo shan saac ku dhow lagu xannibay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raysal wasaaraha Isniinta Maanta ayaa lagu sheegay in tallaabadaas ay qaaday Kiiniya ay xumeen karto xiriirka labada dal, isla markaana uu muujinaayo dhaqan xumo .

Waxaa kaloo Warka qoraalka lagu beeniyay in wafdiga ra’iisal wasaaha aan la xanibin oo si heer sarre loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha.

Waxaa kaloo warka lagu sheegay in wafdiga ra’iisal wasaaraha lagu soo dhaweeyay goobta VIP-da ee Garoonka isla markaana si heer sare loo soo dhaweeyay ee aaney jirin wax xanibaad ah oo lagula kacay.

Waxaa kaloo warka ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha lagu sheegay in ra’iisal wasaaraha uu muddo hakad u galiyay safarkiisa markii afar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka lagu xannibay garoonka kuwaasoo ilaa iyo habeenkii halkaas ku hoyday.

Haddaba waa markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah uga hadasho xannibaadii loogu geestay labo maalin ka hor wafdiga ra’iisal wasaaraha garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Si kastab, marka laga soo tago qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ilaa hadda dowladda Kenya kama hadlin arrintan balse waxaa wargeysyada Kenya ka soo baxa ay qoreen in wafdiga ra’iisal wasaaraha ay jabiyeen sharciga garoonka oo ah in diyaaradaha ka immaanaya Muqdisho ay soo maraan garoon diyaaradeed oo ku yaalla Wajeer halkaasna lagu soo baaro rakaabka ka hor inta aannu immaan Jomo Kenyatta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS