X

Dr Beyle oo ka hadley tirada ciidanka misharada la siiyo iyo safiirada

Dr C/raxmaan Beyle ayaa ka hadley tirada ciidanka ee toos u qaata mishaharaa dawlada bilkasta ayna ugu dhacdo keyd iyagu leeyihiin oo aan loo marsiin taliyeyaal.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Maanta ay mushaar siinaya 5,000 oo askari oo ka mid ah ciidanka dowladda kuwaasi oo uu sheegay wasiirka in la marsiiyay hanaanka ay dowladda mushaaraadka ku bixiso.



Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Safaaradaha dibada ay u dirayaan dhaqaalaha ay ku shaqeynayaan.



Waxa uu xusay Wasiirka in Safiirada ay kula xisaabtamayaan dhaqaalaha dhankooda ka soo gala dalalka ay joogaan, lagana doonayo in ay dowladda la wadaagaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.