Wasiitka maaliyads dawlada Somsliya Dr C/raxmasn Bayle ayaa ka hadley halka uu marayo deyn cafinta dalka iyo weliba shirkado la baxsada cashuurtii ku waajibtey.
Somaliya oo ah dal dihan ayaa waxa cashuur bixiya in ka yar boqolkiiba 80 taas oo ka dhigin in dalku is-dabari karin had iyo jeerna ku tiirsanaado gacanta dawlado shisheeye oo dano gaara leh dadkoodana ka adag.
Mar uu taabtey deyn cafinta ayuu sheegay in shir ka dhacaya Muqdisho uu gunaanad u yahay qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya. Shirkaas ayaa waxa ka qaybgalaya dalalka deynta ku leh oo ku darsadey Ribo.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in dacwad ka gudbiyeen shirkadaha aan bixin canshuurta isaga oo uga digay dadkaas in ay ka waantoobaan la baxsadka canshuurta ,hadii kalana bulshada u soo bandhigayo magacyada shirkadahaas.
Shirkadaha baxsadka ah ayaa isugu jira ajaanib ku naaxay dhiiga Somalida iyo kuwo kibirsan oo Soomaali ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS