X

Dr C/raxmaan Bayle oo ka hadley shir muhiima oo uu kaga qayb galayo Itoobiya: SAWIRO

Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Magaalada Adis Ababa kaga qeyb-galay Shir Looga hadlayo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.


“Waxaa magaalada Adis Ababa inooga furmay shir IMF iyo dawladda Soomaaliya oo aan uga wada hada hadleyno horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, dhameystirka hanaanka deyn cafinta iyo ka wadatashiga hiigsiga sanadaha soo socda”ayuu yiri Wasiir Dr C/raxmaan Bayle.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya hada ay taagantahay meel aduunku wada ogyahay taas oo ah in dhabihii guusha ay ku socoto.


Dawlada hadda jirta ayaa ku guulaysatey in aduunka lagu tuhmo lacagta ay aqbalaan in deymihii hore laga cafiyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.