Dr C/raxmaan Bayle ayaa u duuley wadanka Ivory Coast oo dhawaan ka soo kabtey dagaal sokeeye oo uu keenay markii madaxweynihii dalkaasi ku dhegay xukunkii looga adkaadey doorashada.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Abijaan ee dalkaasi, waxaana halkaasi uu uga qeyb galli doonaa shir looga hadlayo arimaha Maaliyadda.
Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Shirka ka dhacay Dalkaasi lagu soo hadal qaadi doono horumarada dhanka maaliyada ay sameysay Xukuumadda Soomaaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS