Dr C/raxmaan Bayle oo ahaan jirey wasiirkii hore ee arimaha dibedda ahna abwaan wadaniya kuna xeel dheer dhaqaalaha ayaa ku soo baxay kursiga labaad ee aqalka hoose ee gobolada Woqooyi ee Somaliland.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo goob joog ka ahaa doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo cadeeyay in Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle uu ku soo baxay Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Gadabuursi ee degta Gobolada Waqooyi, gaar ahaan magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.
Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa Xukuumaddii la riday ee C/wali Sheekh Axmed, waxaa uu dhowaanahan ahaa Madaxa Mashaariicda ee Bankiga Horumarinta Africa ee xaruntiisa tahay dalka Ivory Coast.
Dr Bayle ayaa garaacay C/llaahi Xaashi Abiib.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS