X

Dugsigii sare ee Araabi ee dib u balaadhinta lagu sameeyay oo la furey: SAWIRO

Dugsigii sare ee Araabi ee dib u balaadhinta lagu sameeyay ayaa maanta dib loo furey. Dugsigan oo qurbajoogta deegaanku markii hore dhistey sadex fasal ayaa lagu kordhiyay afar kale.


Xaflad si weyn loo soo abaabuley ayaa waxa furtey madaxweyne ku xigeenka dawlad deegaanka Somalida marwo Xamdi Aaden Dheere oo ka hadashay muhiimada dugsigu u leeyahay deegaankan oo ay ku noolyihiin dad aad u farabadan.


Qurbajoogta ka soo jeeda deegaanka ayaa u tafaxaytey sidii ay deegaanka u gaarsiin lahaayeen horumar intii karaankooda ah.


Marwo Xamdi Aadan Dheere ayaa ku sii guubaabisey dadka deegaanka inay ka faaiideystaan ilaashadaana dugsiga ay ka soo bixi donaan dhalinyarta mustaqbalka, waxayna balan qaaday ka maamul ahaan inay caawin doonin dugsiga.


Hoos ka daawo qaybta wilwilaha oo xiise leh

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=tODHhDs7osk[/embedyt]

 

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.