X

Dumarkii laga iibiyey Sacuudiga oo bahdilan

Iyadoo dhowaan DF Somalia ay Dalka Sacuudiga ka iibisay Dumar farabadan ayaa durbadiiba Sacuudigu waxa uu bilaabay inuu howl geliyo Dumarkaasi.

Ujeedka dumarkaani looga kaxeeyay Somalia, ayaa ah in kaliya ay nadiifiyaan guryaha iyo goobaha ay xukuumadu leedahay.

Dowlada Sacuudiga ayaa waxaa lagu eedeeya inay ku tumato xuquuqda dadka shaqaalaha ah, iyadoo ay dhacdo in xiliyada qaar ay ku shaqeystaan kadibna ay u diidaan xuquuqdii ay lahaayen.

Wakhtigii Dowlada Maxamed Siyaa Barre, ayaa waxaa xusid mudan in caalamka uu mamnuuc ka ahaa in gabar Soomaaliyeed loo adeegsado qaab shaqaale nimo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.