X

Dunida oo u midowdey cunsuriyada Maraykanka cad ku hayo ka madow

Waxa maalmihii u dambeeyay ka socday aduunka banaanbaxyo looga soo horjeedo tacadiga joogtada ah ee Maraykanka cad ku hayo kan madow. Waxa labadii cisho si weyn loogu midoobey in la soo afjaro cunsurinimada xidideysatey.


Banaanbaxyada qaarkod ayaa hilfaha logu qaaday saraakiil Afrika xasuuq ka gaystey ioo taalooyin uga dhisnaayeen dalalkooda sida boqorkii Beljim oo xasuuqay kumanaan reer Koongo ah.

Yurub oo labadii cisho ee u dambeysay iyadu hogaanka haysay ayaa dadka banaanbaxaya hilfaha u qaadeen taalooyin badan. Inkastoo banaanbaxyadu mideysnaayeen haddana ma Jiro talaabo wax looga qabanayo cunsuriyada.


Waxa welli nidaamka cadaalad xumada ee Maraykanka uu daboolayaa ninkii diley ninka madow ee afarta cadaanka ah isugu tageen.

Si kastaba ha ahaatee waxa dadka badankiisu qabaan in cunsuriyadu sii Jiri doonto inta welli ay jiraan nidaamka ah dil kadibna weydii su’aasha.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.