Duqa Gaalkacyo Mudane Maxamuud Yaasiin Tumey ayaa maanta oo Jimce ah booqasho ku tagay Saylada Gaalkacyo ee ay ku muransan yihiin maamulka Galmudug.
Dagaal goos goos ah ayaa maalmahan ka socdey goob u dhow Sayladan xoolaha oo Puntland rabto in ay ku cashuurto gawaadhida ka imanaya Koofurta Gaalkacayo iyadoon kala tashan cashuurta cusub.
Maamulka Puntland ayaa maalin hore sheegtay in ay qabteen askar ay ku sheegeen kuwa dawlada. MUranka u dhexeeya labada maamul ayaa ku qotoma nidaamka federaalka ee Puntland rabto.
Duqa Gaalkacyo waxaa uu sheegay in dhismaha Saylada hadii dagaal dhaco iyo hadii kale midna aan loo joojinayn, waxaana intaas uu raacshay in dhismaha maanta oo Jimce ah xitaa uu soconayo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS