X

Duqa magaalada Muqdisho oo amar dadku ku farxaan soo saaray

Duqa magaalada Muqdisho ayaa amar dadku ku farxaan ka soo saaray goob dadka magaaladu booqdaan oo lagu dhaco. Goobtan ayaa ah goobta kaliya ee lagu nasto.

Wareegtada kasoo baxday Duqa magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in waxii ka bilowdo maalinta berito ah in ay lacag la’aan dadku ku gali galaan Beerta Nabada ee magaalada Muqdisho oo horey dadka booqda lacago looga qaadi jiray.

Amarkan kasoo baxay Duqa magaalada Muqdisho oo u muuqda mid fudeed iyo caro ka keentay ayaa timid kadib markii dhawaan Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed uu ka caroodsay lacago looga qaaday dad uu ku casuumay Beerta Nabada xili lagu qabanayay xuska kowda Luulyo.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in beri oo Jimco ah waxii ka bilowda beerta nabada aan wax lacag ah dadka looga qaadi Karin, waxa uuna xusay kaliya in dadku lacago ku dhiibi karaan waxyaabaha ay gudaha Beerta ku iibsadaan.

Sida aan Wararka ku helany kulamo ay yeesheen Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo ganacsatada maal galisay Beerta Nabada ayaa fashil kusoo dhamaaday kadib markii ganacsatada ka biyo diideen in lacag la’aan beerta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.