Ehelada gabadh si xun loogu faroxumeeyay Boosaaso ayaa war soo saaray. Qaar ka mid ah ehelada Faa’iso Maxamed Cabdi Xayi oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa mar kale hadlay.
Askar ka tirsan Puntland ayaa si xun u faroxumeeyay Faaisa waxayna eheladu dalbatey in si deg deg ah loo horkeeno cadaalad oo ku fiican in ciqaab ku haboon la siiyo.
Ehelada ayaa beeniyay in aysan jirin kulan ay la qaateen ehelada askariga dhibka geystay iyo masuuliyiinta puntland.
Waxa ay sidoo kale sheegay in aysan jirin cid la soo xiriirtay oo dhibka gabadhooda lagu sameeyay kala hadashay.
Dhacdooyinka kufsiga ayaa si aan loo baahneyn loo xaliyaa ayadoo inta badan aynas jirin ciqaab ku haboon oo la marsiiyo qofka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS