Al-Bab waa magaalo ku taala xadka Siiriya iyo Turkiga waxana hadda gacanta ku haya argagixisada Daacish oo Maraykanku hub siiyay ay ku difaacdaan magaalada. Ciidanka Turkiga iyo urur diimeedka akhwaanka ayaa ku jabay.
Turkiga ayaa la heshiiyay Ruushka waxana la diciifiyay argagixisada Daacish waxayna ku dhowyihiin in ay lumiyaan magaalada.
Erdogan oo urur diimeedkiisu dagaal foolxun oo burbura la galay dawlada Siiriya laguna jabiyay XALAB ayaa hadda diidey in uu magaalada ku wareejiyo dawlada Siiriya.
Erdogan ayaa rabay in urur diimeedkiisa akhwaan isku furto Turkiga ilaa Masar wayse u suurageliwayday, waxayna dhaafi waayeen XALAB iyo magaalooyin xadka Turkiga ku yaala.
Ruushka ayaa ka ogoladey in Turkigu xoreeyo magaalooyinka u dhow xadkiisa hadhowna laga wada hadlo siyaasad ahaan wixii la yeeli lahaa.
Waxa hadda ka socda caasimada Kasakhistaan wadahadalo u dhexeeya dawlada Siiriya iyo mucaaradka hubeysan inkastoo qaarkood dhulkii ay haysteen ay ka qabsatey argagixisada ay taageeraan Yuhuuda iyo Sucuudiga ee NUSRA iyo Jabhat sham.
Sawirka hoose wadahadalada Kasakhistaan
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS