Madaxeynaha Turkiga ayaa u duulay Moosko si uu ula kulmo dhigiisa Ruushka Vladimar Putin kadib markii Turkigu raaligelin ka bixiyeen diyaarad milatari oo ay soo ridden sanadkii hore.
Turkiga ayaa taageero weyn ka helay Ruushka xilligii uu socday afgambigii fashilmey, waxayna taasi keentay isku soo dhawaansho.
Erdogan ayaa bilaabay in uu xididada u siibo cunaqabayna saaro urur diimeed ay saaxiibo ay ahaayeen oo Erdogan ku eedeeyay in uu afgambiga ka dambeeyay.
Turkifa iyo Ruushka ayaa wadaaga xiriir qotodheer inkastoo dawladii islaamiga ahayd ee Cismaaniyiintu la safteen Jarmalka dagaalkii labaad ee aduunka.
Ruushka ayaa cunaqabatayn saaray Turkiga markii ay diyaarada ka soo ridden taas oo waxyeelo dhaqaale soo gaarsiisay dalka laakiin intii xukunka loo dhiibey raiisal wasaare Yildirim wuxuu bedelay gabi ahaanba siyaasadii takoorneyd ee Erdogan wuxuuna bilaabay in uu soo celiyo xiriiro badan.
Turkiga ayaa ku yaal goob muhiim u ah dhaqaalaha bariga iyo galbeedka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS