X

Erdogan oo raaligelin ka bixiyay diyaaradii Ruushka ee uu soo ridey

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa raaligelin ka bixiyay diyaaradii dagaalka ee Ruushka ee uu soo ridey halkaana ku soo celiyay xiriir aad u qotodheer oo Turkigu la lahaa Ruushka iyo dadkiisa.

Turkiga ayaa hore u diidey in uu raaligelin bixiyo waxase dadka badankiisu amaanayaan siyaasada cusub ee uu la soo baxay raiisal wasaaraha cusub ee Turkiga kaas oo usbuucii hore sheegay in uu soo celin doono xidhiidhada uu la lahaayeen wadamo muhiima oo jaarkiisa.

Turkiga ayaa isla maanta sheegay in ay soo celinayaan xiriirkii ay la lahaayeen Yuhuuda taas oo ka dhigan in uu sidaana ku wanaajiyay kan uu la leeyahay Maraykanka.

Xiriirka Ruushka oo aad u weyn ayaa deganaansho ka abuuraya qaybtani ka tirsan Yurub oo ay jirtey siyaasad ku wajahan Siiriya oo ku xumaatey Turkiga.

Si kastaba ha ahaatee waa xiriir u fiican labada shacbi ee Turkiga iyo Ruushka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.