X

Erduqaan oo sheegay in Ingiriisku xaqirey nidaamka soo dhawayntiisa

Madaxweynaha Turkiga ayaa ka baaqday shirka dibiro dhacsiga dawladaha aduunka wasakheeya ee ka dhacaya Ingiriiska. Waxa shirkaan cimilada aan tagin madax waaweyn oo ay ku jiraan Ruushka iyo Shiinaha.



Madaxweynaha oo ka qayb galay shirkii cimilada ee kan ka horeeyay ee ka dhacay Talyaaniga ayaa sheegay in Ingiriisku xaqiijay soo dhaweyntiisa, ayagoo markii hore ogolaaday qaabka ay codsadeen saraakiisha Turkida laakiin daqiiqadihii ugu dambeeyay ay joojiyeen Ingiriisku.

” Waxaan soo gudbinay qaabka loo soo dhaweynayo iyo amniga madaxda Turkiga taas oo loo soo dhaweeyay madax kale waana nalaga aqbalay laakiin waxa naloo sheegay daqiiqadii ugu dambaysay inaanay jireyn ayuu yiri Erduqaan oo diiday in la xaqiro.

Sidaas awgeed Uma socono shirkaas. Shirkii hore ee cimilada ayaa Turkigu noqday dalkii ugu dambeeyay ee ansixiyay heshiiska.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.