X

Ergayga Qaramada midoobey u fadhiya Somaliya Maykal oo digniin u direy kooxda madasha

Ergayga Qaramada midoobey u fadhiya Somaliya waa ninka Ingiriiska ah ee lagu magacaabo Maykal Kiitin ayaa digniin u direy kooxda maroorsatey taladii dalka ee isku magacowdey ”madasha qaranka”.

Ergayga oo warbixin gudbinayay ayaa ka digey in kursi dheeri ah lagu daro ergada oday dhaqameedka kana digey in shir dambe wakhti lagu lumiyo.

Ergayga ayaa intaas ku daray in uu ka rabo kooxda madasha in ay cadeeyaan xilliga uu kursiga ka dhamaanayo Xasan Sheekh oo sida sharciga ah ay ka hadhay maalmo.

Xasan Sheekh oo dalkan hog ku sii ridey markii uu sameeyay maamul jufeedyo aan dalku qaadin Karin ayaa ku fashilmey in uu wax ka qabto danaha dadka Somalida, kuna mashquuley in uu wakhtiga kordhisto.

Maykal Kiitin ayaa ka sii daray markii uu sheegay in 6 Nofeembar ay noqoto maalinta kama dambeysta ee Xasan Sheekh uuna kursiga ku sii fadhinayn.

Kooxda madasha ayaa shirkale qabsanaysa iyadoo jufo walba eegayso danaheeda gaarka halka jufooyin badan ayna waxba ku lahayn talada dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.