X

Eriteriya oo ka xumaatay sheeko buga oo laga faafiyay

Eriteriya ayaa aad uga xumaatey sheeko buga oo laga faafiyay dalkooda oo ay qoreen wargeysyada ka soo baxa Kiiniya kadibna si xoogleh loogu faafiyay baraha bulshada xataa ay gaartey dalalka Koofur Afrika.

Sheekadan oo uu qorey weargeys inta badan qora waxyaabaha khiyaaliga kana soo baxa Kiiniya ayaa qorey in dawlada Eritertiya amartey in ragu guursadaan laba naagood haday diidaana ay mudan yihiin xadhig. Waxana la sii raaciyay haddii dumartku diidaana iyagu sidoo kale.

Wasiir u hadlay Eriteriya ayaa ka xumaadey sheegayna in cadowga Eriteriya qoraya waxkasta oo beena wuxuuna intaa ku daray in wararka noocaasa looga jedo in lagu khalkhal geliyo amniga dalkiisa.

Meelaha sheekadan aadka looga helay waxa ka mida Nayjeeriya oo dadku si aada u qayb ula wadaageen asxaabtoodfa xataa la soo dhigey sida fiisaha loo helo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.