Faadumo Dayib oo ahayd Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya shaacisayna sanad kahor inay xilka u tartameyso ayaa sheegtay inay ka baxday tartanka.
Haweenayda Faadumo Dayib oo markii horeba musharaxnimadeeda ay ku taagneyd saxaafadda dibadda ayaa sheegtay iyadoo Nairobi joogta inay si weyn uga naxday go’aankii dib loogu dhigay doorashada iyo heerka ay gaarsiisan tahay musuqmaasuqa Doorashada Soomaaliya.
Waxay sheegtay inaysan ka qeyb geli doonin doorashada, heerka musuqa uu gaaray ayay caddeysay inuu gaaray wax laga naxo iyaduna aysan dooneyn inay sharciyeyso doorasho ku timid musuq.
Faadumo Dayib oo hore u sheegatay inay tahay haweeneydii ugu horeysay ee xil madaxweyne u tartanta ayaa lagu qabsaday arrintan iyadoo sanadkii 2004 ay tartanka madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacay Kenya soo gashay Caasha Axmed Cabdalla.
Dad badan ayaa u arkayay musharaxnimda Faadumo Dayib inay tahay mid ku kooban warbaahinta iyo baraha bulshada, iyadoo aan wax tallaabo ay u qaadin inay noqoto musharax dhab ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS