X

Faahfaahin dheeraada oo ka soo baxaya qaraxii Muqdisho iyo khasaaraha Jira+SAWIRO

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax waaberigii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxa ka dhacay degmada C/caziiz gaar ahaan xarunta gaadiidka ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen saraakiil ka tirsan ciidamada booliska.

Weerarkan ay fulisay dhiigmiiratada Shabaab ayaa lala eetay gaadhi ay leeyihiin booliiska hurda ee magalada Muqdisho waxana Jira hal gaari oo sida u muuqata ay saarnaayeen ciidamo booliis ah in qarax lala eegtay.

Khasaare ayaa soo gaadhey booliiska waxana la sheegayaa in gaadhiga ay saarnaayeen dhowr taliye waaxeed oo qaarkood halkaa ku geeriyooday. .

Qaar kamid ah dad ku sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay in uu ahaa kaliya hal gaari walise waxa la baarayaa sida qaraxa loogu xirey gaadhiga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.