X

Faahfaahin heshiis dawladu la gashay shirkad kaluumeysi oo Shiine ah

Faahfaahin heshiis dawladu la gashay shirkad kaluumeysi oo Shiine ah. Wasaarada kaluumeysiga iyo kheyraadka badda ayaa bishan heshiis la saxiixatey shirkad Shiine ah oo kaluumaysato oo iyada lafteeda la aasaasay sanadii 2012.


Shirkadan ayaa loo ogolaadey inay dabato kaluunka nooca loo yaqaan Tuna oo ku farabadan badda Somaliya. Kaluunkaas ayaa waxa inta badan dabta maraakiibta ajaaniibta ah kana sameeya malaayiin doolar oo Somalidu u baahan tahay.


Heshiiska dawlada Somaliya iyo shirkadda ayaa dhigaya in shirkadu hub qaadan karto ay isaga difaacdo waxa soo weeraraya ha ahaato maraakiibta kale ama burcad badeeda.

Shirkada ayaa ka kaluumaysan karta oo kaliya masaafo xeebta Somaliya u jirta 44km. Kaluunka Somaliya ayaa lagu iibiyaa wadamada Yurub.


Shirkada ayaa dawlsada Somaliya baari kartaa xilli kasta oo ay u baahato si loo hubiyo in qabashadu tahay wixii lagu heshiiyay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.