Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baxaya doon ku gadoontey meel aan ka fogeyn Berbera oo sidey xoolo aad u farabadan oo ku socday Carabta.
Maamulaha shirkadda Tamarta Shibil Agency, ahaana wakiilka doontii degtay Md. Cabdiraxmaan Cali Warsame, ayaa cadeeyay inay doontu ku degtay duleedka dekedda Salaala, waxana magaca doontaas lagu sheegay Al-axmediya, ayaa la sheegay inay sidday 593-dibi oo ay ganacsato Soomaali ahi.
Waxa ay wararku intaas ku darayaan in la badbaadiyey shaqaalihii oo tiradoodu ahayd ilaa dhawr iyo toban kasoo jeeday dalka Hindiya dhammaantood la badbaadiyey oo ay doomo kale usoo gurmadeen.
Asbaabaha keenay inay doontaasi degto, ayaa warar is khilaafsani kasoo baxayaan, waxana jira wararka qaarkood sheegayaan inay dabaylo xooggani ku kaceen, halka wararka kalena sheegayaan inuu dab qabsaday.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS