X

Faahfaahin ka soo baxaysa gabadh Somali ah oo Carab ku diley Malaysiya

Warar dheeraada ayaa ka baxaya gabadh Somali ah oo nin Caraba uu ku diley dalkaasi Malaysiya. Booliiska dalkaasi Malaysiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gacan ku dhiigle qaxootiya oo ka soo jeeda dalkaasi Ciraaq.


Booliiska ayaa sheegay in ninkan oo gabadha midi u adeegsaday uu goobta ka cararay markiiba laakiin baadhitaan saacado kooban qaatay kadib gacanta lagu soo dhigey, haddana sharciga la marin doono.

Gabadha uu diley ayay ku sheegeen 28 jir la noolayd qoyska muddo 9 sanno ah ayna ka shaqaynaysay isla maqaaxida ninkan oo qoyskiisu leeyihiin kadibna dibedda maqaaxida la isku dagaalay.


Ma sheegin sababta keentay inuu dilo, waxayse sheegeen inuu yahay qaxooti u dhashay dalkaasi Ciraaq haystana kaadhka qaxootinimada. Inta aanu midida la dhicin ayaa la sheegay inuu muran dhexmaray laakiin ay is difaacday intii itaalkeeda ah.



Allaha u naxariisto gabadhan oo magaceeda lagu shegay Dahabo Cumar. Booliiska dalkaasi oo hadda gacanta ku haya gacan ku dhiiglaha ayaa codsaday in la siiyo usbuuc ay ku dhamaystiraan baadhitaankooda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.