X

Faahfaahin ka soo baxaysa weerar dabley ku qaaday gobolka Sanaag

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Ceel-afweyn oo in muddo ahba isku cunaayeen laba beelood oo ISAAQA ayaa saaka waxa dabley weerartay kaalin shidaal oo ku taal deegaanka.


Dableyda ayaa sida la sheegay rasaas ku furey goobta shidaal waxana isla goobta ku dhintey hal qof halka afar qof oo uu ku jirto haweenay ay dhaawac culus yihiin. Dadka dhaawacmey ayaa loola cararay isbitaalka magaalada oo daawo jirin.


Dableyda weerarka gaysatay ayaa goobta ka cararay, waxana goobta yimi askar oo bilaabay baaritaan. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarkaas waxase loo malaynayaa inay la xiriirto colaada labada beelood.


Maamulka Muuse Biixi ayaa dhinac taageersan colaadan waana halka sartu ka qudhuntey mana noqon karo dhexdhexaad ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.

Waase markii ugu horeysay oo dad caadiya oo aan dagaal ku jirin la toogto tan oo colaada labada jufood sii fogeynaysa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.