X

Faahfaahin ka soo baxaysa weerarkii argagixisada shabaab ku qaaday hutel Saxafi iyo dhimasho la xaqiijay+SAWIRO

Faahfaahin dheeraada oo ka soo baxaysa weerarkii argagixisada shabaab ku qaaday huteel Saxafi halkaas oo hadda la xaqiijay in ay xasuuqeen dad ay mid yihiin abaanduulihii hore ee ciidamada qaranka Somaliya jeneraal C/kariin Dhegabadan, xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon, iyo ganacsato Cabdirashiid Shire Qayte oo isla markaana ahaa mulkiilaha huteelka iyo wariye Shavaana.

Waxa kale oo ku jira dhimashada weerarka dhiigmiiratada shabaab dad shacaba oo iyagu ka ag dhawaa goobta oo ku dhintey qarax labaad iyo waliba xildhibaan aan la sheegin. Qaraxa labaad oo ay ugu talogaleen in lagu dhamaado.

Ciidamada nabad Sugida ayaa howlgal ay ku xaqiijinayaan amaanka wali ka wada dhismaha Hotelka, waxa ayna ciidamada banaanka usoo saareen qaar kamid ah dadkii ku xayirnaa dhismaha Hoteelkaasi ay ku jireen Siyasaiyiin, Xildhibaano iyo Culumaa’udiin caan ah.

Caadiyan weerarada noocana ayaa loogu talogalay in lagu argagax geliyo Somalida loona sheego aduunka kale in ay wali jiraan.

Dhinaca kale ciidanka Amisom ayaa war ka soo saaray weerarka argagixisada sheegayna in ay hadda iyagu gacanta ku hayaan huteelka taas oo aan dad badan raaligelin u samayneyn. Ciidanka sida xoogan u tababaran ee Gaashaan ayaa iyagu ka saaray argagixisada huteelka waxana huteelka lagu arkayaa maydka argagixisada oo tiro ahaan lagu sheegay shan laakiin ka badan kara.

Warar sheegaya in Xasan Abshir Faarax ku dhintey ayaan la xaqiijin Karin. Argagixisada ayaa sidii caadiga ahayd gaadhi ku dhufatay albaabka hore ee huteelka kadibna gudaha u gashay hutelka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.