Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baxaysa dhiigmiirad ka tirsan argagixisada shabaab oo isku qarxiyay maqaaxi lagu shaaheeyo isla markaana lagu qayilo maanta oo Jimce ah oo dadku ka nasanayaan shaqooyinka.
Naftii haligahan ayaa isku qarxiyay isgoyska Jubbba ee u dhexeeya xaafadaha Boondheere iyo Shangaani ee magaalada Muqdisho xilli goobta la buuxo oo dadku si nafisa isaga fadhiyaan. Waxana kooxaha gurmadka ay sheegayaan inay jirto dhimasho iyo dhaawac.
Maaha markii ugu horeysay ee dhiigmiiratadu si cad u beegsato dadka shacabka ah gaar ahaaan goobaha ay ku badan yihiin. Masuuliyiinta amniga ayaa sheegay in 10 qof ku shahiideen halka dhaawacuna intaad ka badan yahay.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS