X

Faahfaahin laba qarax oo kooxda gaalaynta Muslimiitntu ka fulisay Muqdisho

Waxa soo baxaya faahfaahin dheeraada laba qarax oo kooxda gaalaynta Muslimiitntu ka fulisay Muqdisho. Qaraxa hore oo welli la xaqiijinaayo qasaaraha uu gaystey ayaa naftii halige ka tirsan kooxda gaakaynta ee shabaab isku qarxiyay meel u dhaxaysa bar xanibaad oo u dhaxaysa Tiyaatarka iyo madxafka qaranka.


Goobta lala eegtay qaraxan ayaa ah wado mashquula oo dad badan oo danahoda u soo baxay ay marayaan iyo weliba ay ku dhow yihiin maqaaxiyo dadku shaaha ka cabaan.

Kooxda gaalsaynta Muslimiinta oo aan kala jeclayn cida Muslimiinta ayaa iysagu jecel inay daadiyaan dhiiga badan oo Muslimiin waana ta kaliya ee farxad gelisa.


Qaraxaas hore welli lama sheegin qasaaraha Muslimiinta ay kooxdu xasuuqay. Iyadoo welli qaraxaas lala tacaalayo ayaa haddana kooxdu qarax kale ka gaysatey meel u dhow taalada daljirka dahsoon.


Qaraxan labaad ayaa la soo sheegayaa inuu ahaa gaari kooxda gaalayntu dhigtey wadada agteeda kana soo buuxiyeen walxaha qarxa ayadoo ka rimoodka u hayaa uu daawanaayo. Dad ka ag dhawaa qaraxan labaad ayaa noo sheegay in gaariga la keenay markii qaraxii koowaad dhacay.

Waxa hadda la sugaa kaliya waa tirada xasuuqa labada qarax ee kooxda gaalaynta ee shabaab fulisay oo la sheegayo in dadka ku shahiidey ay marayaan ilaa 6 qof.

Warkii u dambeeyay dhinaca dhimashada.

Dhinaca saxaafada waxa ku jira weriye Cawil Daahir Salaad oo u shaqayn jirey telefishanka Universal iyo shaqaale ay wada socdeen, halka xildhibaan kale dhaawac fudud soo gaaray. Tirada shacabka welli lama soo gudbin.

Sawirada xasuuqa qaraxa labaad

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.