Wararka waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ahaa mid lala beegsaday baararka waaweyn ee ku yaal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa waxa uu ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay. Iyadoo uu ku qarxay afaafka hore ee Beach View.
Waxaana halkaas laga maqlay rasaas xoogan, goobta ayaa la sheegay inay gaareen gaadiidka gargaarka deg-dega ah ee ambalaaska loo yaqaan.
Wararka ka imanaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xeebta Liido ayaa sheegaya in qaraxa kadib koox hubeysan ay gudaha u galeen baararka ku yaal xeebta Liido.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in rasaas culus ay ka dhacayso maqaayadaha Liido halkaa oo rasaas xoog leh ay ka dhacayso.
Lama oga illaa iyo hadda qasaaraha ka dhashay hase yeeshee waxaa jira jahawareer ka dhex jira gudaha Baarka Liido.
Waa markii ugu horeysay ee baararka ku yaal xeebta Liido weerar sidan oo kale ah lagu qaado,hase yeeshee hore ayaa hotelo ku yaal magaalada Muqdisho lagu weeraray qaraxyo iyo is rasaaseyn.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS